Manchester United ayaa xaqiijisay inay kooxda Villarreal kala soo wareegtay daafaca reer Ivory Coast Eri Bailly. Daafacaan ayaa heshiis afar sannadood ah u saxiixay kooxda Red Devils isagoo qiyaar u leh inuu labo sanno kale oo dheeri ah ku darsado qandaraaskiisa.
Saxiixa 22 jirkaan ayaa inuu dhaqangalo waxa ay ku xiran tahay inuu sharciga shaqada ee UK uu helo madaama uu ka soo jeedo wadan aan ku jirin wadamada midowga Yurub.
Eric Bailly ayaa shalayto si guul ah ku maray shalayto tijaabada caafimaadka, waxaana la sheegayaa inuu heshiis 30 milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda reer Spain ee Villarreal, waxaana uu noqday saxiixii ugu horeysay ee tababare Jose Mourinho ee xagaaga.


