DHAGEYSO: Howlwadaag iyo Deyniile oo bar baro ku galay Tartanka Degmooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii 3-aad galay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaana galabta wada bartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Deyniile oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir, waxaana tartanka maalgalineysa oo abaalmarina qaali ah ku bixineysa shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Tartanka Sanadkan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Maamulka Idaacadda Risaala iyo Maamulka Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa horey waxa ay usheegeen in degmadii Tartankan ku guuleysata abaalmarinteeda ay heli doonto ciida ka hor.

Degmooyinka Howlwadaag iyo Deyniile ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Tartanka galabta dhexmaray Degmooyinka Howlwadaag iyo Deyniile ayaa waxa uu ahaa mid ka duwan tartamadii horey u soo dhici jiray maadaama tartanka Labada Degmo uu ku soo idlaaday bar baro min 6 dhibcood ah, waxaana uu noqonayaa bilaabashada tartanka Risaala Degmooyinkii ugu horeeyay ee bar baro gala.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Gudiga Tartan Aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Howlwadaag iyo Deyniile

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 4 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona Degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir oo kuwada jira Group B.