Manchester United oo dooneysa Ciyaaryahan Caan ah

Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu uka dhaqaaqo Tottenham Hotspur kuna biiro Manchester United bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Qandaraaska haatan ee xiddiga Dane uu kula jiro kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono Red Devils suuqii xagaaga.

United waxay rumeysan tahay in 27-jirkan inuu aad u daneynayey waqtigaas u dhaqaaqista Real Madrid, laakiin haatan waxaa la sheegayaa inay dib u soo cusbooneysiin karaann xiisahooda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Eriksen uu u furan yahay inuu ku biiro United, gaar ahaan ka dib markii Jose Mourinho loo magacaabay tababaraha Tottenham, inkastoo si liidata ay ku bilaabatay kooxdiisa xilli ciyaareedkaan Premier League.

Laacibkii hore ee kooxda Ajax ayaa dhaliyay labo gool 16 kulan oo uu usaftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda Spurs.