
Manchester United ayaa lagu qasbay inay shaxda kooxda ka saarto Tuanzebe iyadoo uu bedelay daafaca dhexe Marcos Rojo, halka Phil Jones uu fursad u helay inuu kursiga keydka soo fariisto.
Tuanzebe ayaa ku dhaawacmay iskululeynta taasoo ku qasabtay tababare Solskjaer inuu shaxdiisa ku soo bilaabo Marcos Rojo oo markii hore kursiga keydka ku magacownaa.
Phil Jones oo gabi ahaanba seegi lahaa kulanka maanta ee Old Trafford ayaa fursad u helay haatan inuu soo fariisto kursiga keydka.
Paul Pogba ayaa sidoo kale seegay kulanka Old Trafford laakiin David de Gea ayaa taam u noqday inuu ku soo bilowday iyadoo Anthony Martial uu kursiga keydka fadhiyo.
Waxaa sidoo kale kursiga keydka fadhiya da’ yarka weerarka ka ciyaara ee Mason Greenwood iyadoo Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof ay ku soo bilowdeen halka Luke Shaw uu dhaawac ku seegayo kulankaan.


