MANCHESTER CITY ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Bayern Munich oo ay ka doonayaan xiddiga lagu qiimeeyo £40 ee David Alaba.
SunSport ayaa sheegtay in madaxda City kulamo la qaateen wakiilka 24-sano jirka labadii todobaad ee la soo dhaafay.
Alaba ayaa suuqa kala iibsiga ku lug yeelan kara bisha Janaayo, iyadoo si xoogan hadda ay u raadineyso kooxda Manchester City.
Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu kusoo kordhiyo kooxdiisa daafac cusub kasoo boosas badan ka ciyaari kara.
City ayaa si toos ah qaladad dhanka daafaca ay kaga sameysay kulankii Everton ee ka dhacay Etihad Stadium todobaadkaan.


