Luka Modric ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Real Madrid kaasoo uu kula sii joogayo ilaa June 2020, kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.
qandaraaskiisii hore ee xiddiga caalamiga ah ee reer Croatia ayaa wuxuu dhacayay 2018, laakiin waxa uu haatan ku daray laba sano oo dheeraad ah, taasoo ka dhigan inuu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Madrid.
Modric ayaa ku biiray kooxda heysata Champions League bishii August 2012, markaaso uu ka yimid Tottenham waxaana uu tan iyo markii uu yimid caasimada Spain noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Real Madrid.
31-sano jirkaan ayaa 180 kulan u saftay tartamada oo dhan Real Madrid , waxaana uu kula guuleystay labo koob oo Champions League, laba UEFA Supercups, koobka kooxaha adduunka, Copa del Rey iyo Supercopa de Espana.
Waxa uu haatan ka soo kabsanayaa dhaawac jilibka ah iyadoo qaliin lagu sameeyay bilowgii October, markii uu ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa 2-2 la gashay Borussia Dortmund.
Modric ayaa kasoo bilaabay xirfadiisa ciyaaraha kooxda Dinamo Zagreb ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Tottenham oo England ah 2008.