Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa isha ku haya in daafaca ay isku dalka yihiin Pepe uu keeno horyaalka England Premier League balse wuxuu tartan ku aadan saxiixiisa kala kulmayaa kooxda Juventus, sida laga soo xigtay majaladda The Sun.
33 sanno jirkaan heerka caalami ee dalka Portugal Pepe ayaa hal sanno uga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda Real Madrid, kooxda reer Spain ayaana lagu soo waramayaa inay ka cagojiideyso inay daafacaan siiso qandaraaska uu doonayo oo ah laba sanno.
Tababare Mourinho ayaana si weyn u aaminsan tayada Pepe kaasoo dhowaan kooxdiisa iyo xulkiisa kula guuleystay laba koob oo muhiim ah waana UEFA Champions League iyo UEFA European Championships 2016.
Intaas waxaa sii dheer Special One wuxuu Pepe u arkaa mid xallin kara dhibaatada dhanka daafaca ka heysata kooxdiisa ka dhisan Old Trafford.


