Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney isha ku heyso hirgalinta heshiis lagu kala badalanaayo Paul Pogba iyo Gareth Bale marka la gaaro bisha January sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Xiddiga reer Wales wuxuu ku dhawaaday inuu xagaagii laga soo gudbay ku biiro kooxda Shiinaha ka dhisan ee Jiangsu Suning, balse saacadahii ugu dambeeyay Los Blancos ayaa isaga baxday heshiiska labada dhinac.
Dhinaca kale Paul Pogba wuxuu sheegay xagaagii laga soo gudbay inuu tartan cusub isha ku hayo, waxaana si weyn loola xiriiriyay Real Madrid maadaama uu halkaas joogo Zinedine Zidane, labadaan shaqsi ayaana si weyn isku aaminsan marka ay noqoto ixtiraamka kubadda cagta.
Wargeyska The Sun ayaa ka dhawaajiyay in heshiiska kala badalashada labada xiddig uu dhici karo bilowga January, waxaana la fahamsan yahay in Madrid ay mar walba soo hadal qaadi doonto arrinta Paul Pogba hadiiba United ay soo damacdo Bale.



