Manchester United ayaa gaartay guul dirqi ah iyadoo ku sugan Old Trafford ayey 2-0 kaga taqalustay Derby County, walow ay goolasha yimaadeen 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, waxeyna fursad weyn u aheyd Lingard.
Red Devils kama faa’ideysan dhawr fursadood oo ay heshay qeybtii hore iyadoo kabtan Paul Pogba uu dhawr jeer kubadda isku dayay inuu goolka aadiyo balse uma suuragalin inuu mid ka mid ah gool ku helo.
Derby County waxey inta badan isku dayeysay iney kubadda ka xakameyso Man United oo joogta gurigeeda, tiiyoo ay jirto iney inta badan ku guuleysatay awoodda xukunka kubad heysashada.
Jesse Lingard ayaa daqiiqadii 84-aad shabqa soo taabtay kadib markii uu caawinaad ka helay Romelu Lukaku oo dib ugu soo laabtay kooxda madama uu ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay sababo dhaawac ah darteed.
Romelu Lukaku ayaa soo afjaray nolosha kooxda Derby County oo rajo ka laheyd iney barbaro la timaado waqtiga yar ee haray, Anthony Martial ayaa caawiyay si habsami leh ayuuna u dhameystiray.
Natiijada waxey ku dhamaatay 2-0, Red Devils ayaana u gudubtay wareega xiga ee tartanka.