Man City Oo Twitter Ku Soo Qortay In Frank Lampard Uu Halyeeygooda Yahay

Manchester City waxaa inta badan lagu eedeeyaan inaysan taariikh laheyn, laakiin taariikhda waa la abuuraa, waana waxa ay haatan sameynayaan.

Si kastaba, kooxda ay eedeyn la kulantay maanta ka dib markii ay Twitter soo dhigeen kulankii ugu danbeeyay ee Lampard uu u ciyaaray iyaga.

Inta badan waa la ilaawaa in Lampard oo haatan tababare ka ah kooxda Derby inuu hal xilli ciyaareed ku qaatay Etihad Stadium, laakiin City ayaa hubanti ka dhigtay in taageerayaashooda ay xusuusanaadaan.

Lampard ayaa shabaqa u soo taabtay City kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxda, waxaana Man City ay Twitter soo dhigtay muuqaalka goolkaas, si kastaba qoraalka ay soo raaciyeen ayaa ahaa mid aysan ku qancin taageerayaasha kubada cagta.