Man City Oo Arin Lala Yaabay Oo Ku Saabsan Lionel Messi Soo Dhigtay Akoonkooda Rasmiga Ah Ee Twitter

Taageerayaasha Manchester City ayaa ka carooday talaabo ay qaadeen dadka maamula akoonka rasmiga ah ee ay kooxda ku leedahay Twitter oo ku saabsan weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.

Kooxaha ayaa si weyn uga taxadara inay mareegtooda ama barahooda bulshada soo dhigaan warar xan ah, waxay kaliya soo dhigaan warar rasmi ah oo kooxda ka soo baxay.

Laakiin Man City ayaa saaka akoonkodoa Twitter waxay soo dhigeen maqaal ay uga hadlayaan suurtogalnimada ay Manchester City ku heli karto Lionel Messi ka dib isku dhicii xiddiga reer Argentina iyo agaasimaha kooxda Barca Eric Abidal.

Marka la soo tago Twitter, waxay sidoo kale ka qoreen warbixin dheer oo ay kaga hadlayaan wararka la xiriirinaya kooxdooda xiddiga reer Argentina Lionel Messi iyagoo soo qaatay sawirka Messi iyo tababare Pep Guardiola.

Warbixinta waxay ku bilaabeen su’aal ah: “Miyay ugu danbeyn suurtogal noqon kartaa heshiiska riyada ah ee Messi uu ugu wareegayo City?”

Ka dib waxay soo qaateen qoraal lagu qoray wargeysyada Ingariiska iyo Spain oo ka hadlaya in Man City ay ugu cadcadahay saxiixa Lionel Messi haddii uu xagaaga si xor ah uga tago Barcelona.