Malaysia oo qiratay weerarkii u horeeyay ee IS

Booliiska Malaysia ayaa sheegay in qarixii ka dhacay baarka todobaadkii hore ee ay ku dhaawacmeen siddeeda ruux in uu ahaa weerarkii koobaad ee ay dalka ka gaystaan ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka.

Booliiska ayaa markii hore sheegay in laga yaabo in ay qaraxa ka dambeeyay dad ganacsi isku haya.

Qaraxaasi wuxuu ka dhacay baarka Movida oo ku yaala banaanka magaalada Kuala Lumpur 28 June.

Waxay intaas ku dareen in la xiray labo qof oo looga shakisan yahay weerarkaas.

Xukuumadda ayaa si isa soo taraysa ooga walaacsanayd weeraro Dawladda Islaamka la xiriira iyada oo dad Malaysian ah ay aadeen Suuriya si ay uga soo dagaalamaan.

Khalid Abu Bakar oo ah taliyaha booliiska ayaa saxafiyiinta u sheegay “in ururka isku magacaaba Dawladda Islaamku ay ku lug leeyiin weerarkaas”.

“Waxaan ogaanay in labo ka mid ah dadka qaraxa gaystay uu hagayay qof dalka u dhashay oo ku sugan Suuriya si ay Malaysia qarax uga gaystaan.

Dad badan oo argagixiso lala xiriiriyay ayaa sanadihii dambe lagu xirxiray dalkaas waxaana ka mid ah 13 Malaysian ah oo la xiray qaraxii u dambeeyay kaddib, laakiin booliisku waxay sheegeen in aysan si toos ah xiriir ula lahayn.

Dawladaha gobolkaasi oo dhan ayaa ka digay in ay sare u kacday halista ururkaas.