2 Xildhibaan oo ka mid ah Shantii Xildhibaan ee ay Guddiga Doorashooyinka dib u celiyeen doorashadooda ayaa maanta lagu doortay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Xildhibaankii lagu Celiyay Galmudug oo maanta doorashadiisa lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud oo helay 50 cod.
Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud ayaa ka guuleystay Sakariye Maxamed Cosoble.
Sidoo kale Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Sheekh Shaacir Maxamed Xasan oo horay loo diiday Natiijadii uu kusoo baxay.
Shantii kursiga ee dib loogu celiyay Maamul Goboleedyada ayaa waxaa kusoo baxaya Xubnihii horay loo diiday doorashadooda.


