Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar maanta waxaa dib uga bilaabatay Doorashada wajigii labaad xubnaha Aqalka Hoose, waxaana ku soo baxay xubno uu ka mid yahay wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta C/llaahi Collaad Rooble iyo xildhibaano hore.
Sidoo kale xubnaha maanta guuleystay ayaa waxaa ka mid ah Samiira Xassan C/dulle, iyo Yuusuf Xuseen Axmed oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Doorashadan maanta ayaa dhacday kaddib markii Guddiga Doorashada heer federaal ay ku dhawaaqeen in la sii anba-qaado, kaddib shaqaaqadii habeennimadii Jimcaha todobaadkii hore ka dhacday Magaalada Jowhar taas oo ka dhalatay Doorasho lagu murmay.


