DHAGEYSO: Kulan muhiim ah oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka.

Wafdigan ka socday Guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka ayaa waxa ay kulamo la qaateen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland iyo kuwa Heer federaal ee ku sugan Magaalada Kismaayo, waxaana ay ka xog wareysteen xaalada Doorashooyinka.

Sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka ayaa waxa ay kulamo saacado badan qaatay ay la yeesheen Saraakiisha Amniga Doorashada ee AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Markii ay kulamada soo gaba gabooween ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) Ahna Gudoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka.