Magacyada Musharaxiinta Madaxweynaha

Muqdisho-RisaalaFM- Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka dhaceysaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismo u dhaxeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.

Xarunta ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaan doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

22 Musharax ayaa u tartamaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Mas’uuliyiin horey dalka u soo martay, Siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale, waxaana ay kala yihiin:-

 

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid C/laahi Deni
  7. Dr. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed
  9. C/naasir Cabdulle Maxamed
  10. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  11. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  12. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  13. C/qaadir Cosoble Cali
  14. Cali Xaaji Warsame
  15. Cumar C/rashiid Cali Sharmaare
  16. Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
  17. Maxamed Axmed Jabarti
  18. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
  19. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
  20. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  21. Maxamed C/risaaq
  22. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa aad u adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka la soo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid, Millitari iyo kuwa Booliska AMISOM.

Shacabka reer Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in guryahooda ay ka daawan doonaan Doorashada, maadaama ay sheegeen in ay sugayaan Hoggaamiye dalka iyo dadka wax u qaban kara, lana yimaada isbedel wanaagsan.