Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo arrimo xasaasi ah ka wadahadlay.

Madaxweynaha dowladda Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dalkiisu sii adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee uu la leeyahay Soomaaliya, iyadoo la kordhinayo iskaashiga ganacsiga iyo amniga.

 

William Ruto ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay si wadajir ah u xaqiijiyeen muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, taasoo dan u ah labada dal.

 

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, taasoo khatar ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.

 

Wadahadalka William Ruto ayaa ka dambeeyay kadib markii uu si wayn u faafay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Kenya oo la xiriiray arrimaha qaadka.