Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saddex Maalin kadib dhaq dhaqaaq ka bilaabay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa Maanta Saddex Maalin kadib dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaradda, waxaana Wasiirka uu uga warbixiyay Madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso Wasaaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga  Puntland  iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tn iyo markii uu tegay Khamiistii la soo dhaafay Magaalada Garoowe la la’aa Warkiisa, balse xalay uu kasoo muuqday casho sharaf loo sameeyay, isla markaana Maanta uu bilaabay kormeerka Xarumaha Maamulka Puntland.