Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa munaasabadd ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada, iyada oo bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.
Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.
Xulka kubada cagta Galmudug ayaa ku guuleystay koobkii dowlad goboleedyada ka dib markii ay 4-1 rigoorayaal ah kaga adkaadeen xullka Hirshabelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda ciyaaraha dalka ku amaanay sida ay ugu guuleysteen ciyaartii qurxooneed ee maalmihii lasoo dhaafay ka socotay Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay tixgeliyaan oo ku xirmaan ciyaaraha, maadaama ay horseedaan nabad iyo is dhexgal bulsho.
Madaxweynaha ayaa aad ugu amaanay hey’adaha amniga doorkii ay ka qaateen sugidda amniga, wuxuu sheegay in shaqo dheeraad ah oo la mahdiyey ay qabteen ciidamada amniga Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas kadib kasii hadlay xaaladaha guud ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii baaxadda lahaa ee qabsaday.
Ugu dambeeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale ga digay dawlada Itoobiya faragelinta ay ku geyso Madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya .