Maxay ka Wada hadleen Taliyayaasha Militariga Soomaaliya & Uganda?

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal ibraahim Sheikh Muxudiin caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa  la kulmay Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto la dagaalanka Alshabaab .

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Jeneraal ,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Alshabaab iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Dawlada Uganda  ayaa dalkeena  Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka ATMIS oo Dawlada ka taageeraya Suhida Amniga  .