Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hogaanka Taliska Ciidanka Xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga saarayo Al Shabaab.

Hogaannada taliska Ciidanka Xoogga Dalka oomaaliyeed S ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Alshabaab dalka looga saarayo  , iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto  Waxa loogu yeero argagixisada .

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.