Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howgallada deegaanka looga xoreynayo Al-Shabaab ayaa kulammo miro dhalay la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug.

War kasoo baxay Villa Somaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha dadka uu la kulmay uu ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha Al-Shabaab ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii joogaan degaannada iyo degmooyinka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada degaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 10 sano ay maamulayaan Al-Shabaab.