Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Beledweyne

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa wafdigiisa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo garoonka diyaaraha ee Ugaas Khaliif ay ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.

U jeedada booqashada madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale oo la socota ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu dhisayo maamul ay wada yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kaas oo kal hore madaxweynuhu uu ka furey magaalada Jowhar.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan adin kala soo socodsiin doonaa Insha allah