Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markale lagu wadaa inuu dib ugu laabto furimaha dagaalka ee gobolka shabeelada Dhexe.
Shalay ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Magaalada Muqdisho ugu soo laabtay, si uu ula kulmo wasiiru dowladaha Arrimaha dibada ee Imaaraadka Carabka, kaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Imaaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha u balanqaaday in ay garab taagan yihiin, islamarkaana ay kala shaqeynayaan ciribtirka kooxda Al-shabaab.
Wararka ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu maanta tago degmada Cadala, isagoona halkaasi ka bilaabi doono howlgalka wejigiisa labaad ee Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool degmada Cadale ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Saraakiisha ilaalada madaxweynaha ayaa ku sugan degmada Cadala, iyagoona si weyn u sugaya amniga madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa abaabul culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana madaxweyne ka go’an siddii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.



