Duqeymo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka SHabeelada Dhexe.

Deegaanada ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa duleedka degmada Ceel-baraf Basra, Sumadaale, Bursha-Sheekh iyo deegaano kale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta lagu khaarijiyay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta ay si gaar ah lala beegsanayay godadka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay u daadtay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo shir ugu socday deegaanka Sumadaale ee hoostaga degmada Cadala ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada ayaa dagaal ku qaaday guryo ay ku shirayeen kooxda, iyadoona la soo werinayo inay jiraan khasaare xooggan oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda Tiro koob sax ah lama hayo, kaasi oo ku aadan in khasaaraha la gaarsiiyay kooxda.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in kooxda laga saaro deegaanada ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug.