Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo mudooyinkii Dambe howlo Shaqo uga Maqnaa Degaanada Galmudug ayaa Maantay Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay Qaar ka mida Golaha wasiirada Galmudug, iyadoona Garoonka Diyaaradaaha ay ku soo dhaweyeen Xildhibaano Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulsho kale isagoo Salaam Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug oo qeyb ka ahaa soo Dhaweynta Madaxweynaha.
Imaatinka Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda ayaa daranaa Dhiiri galinta Xalkii Laga Gaaray Colaadii Degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq taas oo Odoyaasha uu kala hadli doono sii xoojinta Nabadayta ka socto Gobolka.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Gaalkacyo Qeybaha Bulshada Kala Hadli doona Arrimo la xariira Dhismaha Galmudug iyo Doorka Bulshada ay ku leedahay.
Soo dhaweynta Ka dib Madaxweynaha oo Warbaahinta Kula Hadlay Hoyga uu Ka Degan yahay ayaaSheegey inuu Safarkkiisa uu ugu muhiimsan yahay Arrimaha Nabadaynta Bulshada isagoo dhib u dhigtay Ka hadlinda Arrimaha Siyaasadeed ee Galmudug.



