Arsenal Oo Ku Dhawaaqday In Calum Chambers Uu Qaliin Maray Iyo Muddo Sagaal Bilood Ah Oo Uu Maqnaanayo

Kooxda Arsenal ayaa war xun u soo bandhigtay taageerayaasha kooxdeeda kadib markii ay ku dhawaaqday in Calum Chambers uu qaliin maray isla markaana uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Xili ciyaareedkii Calum Chambers ayaa gabi ahaanba soo dhamaaday laakiin waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo sagaal bilood ah taas oo badalaysa qorshihii suuqa ee Mikel Arteta.

Calum Chambers waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda uu Mikel Arteta doonayay in ay door wayn ka qaataan dib u habaynta uu Gunners ku samaynayo laakiin waxa uu la kulmay xaalad murugo badan.

Warbixin caafimaad oo ay Arsenal ka soo saartay dhaawaca musiibada ah ee ku habsaday xidiga kooxdeeda ee Calum Chambers ayaa lagu cadeeyay in uu maray qaliin looga sameeyay seedaha jilibkiisa bidix.

Dhaaawaca noocan ah waxay ciyaatoydu kaga soo laabtaan muddo u dhexaysa 6-9 bilood taas oo si rasmi ah u xaqiijinaysa in Calum Chambers aanu markale xili ciyaareedkan soo laaban doonin.

Qoraalka rasmiga ah ee Arsenal ka soo baxay ee looga hadlay qaliinka uu maray Calum Chambers ayaa lagu yidhi: “Calum waxa uu subaxnimadii khamiistii London ku maray qaliin guulaystay. Hanaanka ka soo kabsashada waxaa la filayaa in uu qaato inta u dhexaysa 6-9 bilood”.

“Qof kasta oo kooxda ahi waxa uu taageeri doonaa Calum si loo hubiyo in uu garoomada ku soo laabto sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan” ayaa qoraalka Arsenal la sii raaciyay.