Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qalqal gelisay Ammaanka Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeysan Maleeshiyo beeleed ku sugan degaanada maamulka Galmudug si ay xilka kaga tuuraan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanada Galmudug loo adeegsaday qalqalgelinta Amniga Cadaado.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay faragelin qaawan in ay ku heyso degaanada maamulka Galmudug.



