Madaxweyne Trump oo joojiyay Kulankii Putin

US President Donald Trump (R) and Russia's President Vladimir Putin chat as they walk together to take part in the "family photo" during the Asia-Pacific Economic Cooperation (APEC) leaders' summit in the central Vietnamese city of Danang on November 11, 2017. World leaders and senior business figures are gathering in the Vietnamese city of Danang this week for the annual 21-member APEC summit. / AFP PHOTO / POOL / JORGE SILVA (Photo credit should read JORGE SILVA/AFP/Getty Images)

Tobanka hoggaamiye ee ka socda dalalka dhaqaalaha ugu weyn caalamka iyo wakiilo ka socda Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay kulmaan jimcaha iyo Sabtida Magaalada Buenos Aries ee dalka Argentina.

Kooxda G20 ayaa hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha ruushka iyo waliba Mareykanka.

Shirka Kor hor ayaa la qorsheeyay in ay yeeshaan kulan muhiim ah ,laakiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay kulankaasi ka dib markii uu sheegay in ruushka uu ku xadgudbay dalka Ukraine oo maalmihii lasoo dhaafay ay xiisad kala taagneyd.

Shirka Sannadkan Waxaa  indhaha lagu haaya  arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan kulamo adag oo u dhaxeeya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping iyo saxiixa suurtagalka Heshiiska Maraykanka  ee Mexico iyo Canada (USMCA).

Dhaxal sugaha  Sacuudiga  Maxamed Salman ayaa ka soo muuqday shirwaynaha la filayo in uu sababo dibad baxyo ka dhan ah dilka qoraaga reer Saudi Arabia ee Jamal Khashoggi.