Madaxweyne Rouhani oo Mareykanka ku eedeeyay weerarkii shalay

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Mareykanka ku eedeeyay weeraekii shalay lagu qaaday askartii gaadinaysay.

Dablay hubeeysan ayaa sabtidii shalay rasaas ku furtay askar gaardi ku jirtay oo ku sugnaa magaalada Ahvaz ee gobolka koonfur bari ee waddanka.

Weerarka ayaa waxaa sheegatay carabta suniyiinta ahi ee dowladda ka soo horjeedda iyo ururka isku magaacaabay Dowladda Islaamka. Mr Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka iyo waddamada gacanka cadmeed ay taageerayeen dableeyda weeraka soo qaadday.

Mr Rouhani iyo Donald Trump ayaa ku kulmi doona shirka Qaramada Midoobay ee dhici doonaa toddobaadkaan.

Weerarkii Sabtida ayaa waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jiaan 12 askari, dadkii shacabka ahaa ee daawanayay gaardiga iyo gabadh yar oo afar sano jir ah.

Ururka Ahvaz ee iska caabinta qaranka, waa koox ku doodaysa in ay difaacayaan xuquuqda Carabta laga tirada badanyahay ee deggen gobolka Khuzestan, waxa ayna sheegeen in kooxda ay ka dambaysay weerarka uu dhiigga badan ku daatay inkastoo ururka daacishna uu sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Balse labada kooxba midna ma uusan soo bandhigin cadayn mujinaysa in ay iyaga ka dambeeyeen weerarka.

Maanta mar uu hadlayay inta uusan u ambabixin shirka magaalada New York ee Qaramada Midoobay, Mr Rouhani ayaa wacad ku maray in Iran aysan ka aamusi doonin weerarkaasi.

“Waa inoo caddahay cidda geysatay dambigaan iyo cidda ay xiriirka la leeyihiin,” ayuu yiri Mr Rouhani.

Xiriirka labada dal ayaa xumaa tobanaan sano.

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ay sameeynayso niyukleer qarsoodi ah balse Iran ayaa iska fogeeysay eedeyntaasi.

Sanadkii 2015-kii oo ahayd xilligii Barack Obama, Mareykanka iyo Iran ayaa gaaray heshiis ku aadan niyukleerka Iran- waxaa sidoo kale heshiiska saxiixay Shiinaha, Ruushka, UK, Faransiiska iyo Jarmalka.

Waxa uuna heshiiskaasi horseeday in Iran laga qaado cunaqabtayntii saarnayd.

Si kastaba, xiriirka ayaa xumaaday kadib markii madaxweyne Trump uu xilka la wareegay kadibna uu meesha ka saaray heshiiskii niyukleerka ee Iran.

Markaa wixii ka dambeeyay, Mareykanka ayaa cunaqabtayntii dib ugu soo celiyay Iran inkastoo ay ka soo horjeesteen waddamada Midoowga Yurub, Shiinaha iyo Ruushka balse Mareykanka ayaa ku goodiyay in uu tallaabo adag ka qaadayo cidkasta oo ganacsi la sameeyso Iran.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageerayay dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda Iran.