Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada difaaca Puntland eek u soo dhaawacmay dagaalka kooxda Daacish looga saarayo Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Deni uu amar ku bixiyay in la dardargeliyo daaweynta ciidamada si dhameystiran, haddii loo baahdana loo qaado dalka dibadiisa.
Hoos ka akhri warka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada , hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasi oo ah mid ay si gaar ah ugu amaananyihiin dadka reer Puntland.
– DHAMMAAD-



