Madaxweyne Xasan Sheekh oo war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka Puntland ee Daacish

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Amray xukuumadda inay dardar geliso taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda Gobolka Bari.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo saaray warkiisii ugu horeeyay ee ku saabsan dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, isagoo xoojiyay baaqii maanta kasoo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.
“Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warka ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya oo aan lagu soo hadal qaadin maamul Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu adkeeyay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada.