Madaxweyne Deni:- “Gogoshii Wada-hadalka ee Soomaaliyeed weli way taallaa Garowe”

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa mar kale ku celiyay in gogoshii uu hore ugu fidiyay shacabka Soomaaliyeed ee wada-tashiga qaran ay weli taallo magaalada Garowe, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saleysan danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF, oo lagu qabtay magaalada Garowe. Wuxuu sheegay in haddii shirka uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu lamid yahay shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), gaar ahaan kii December 2022, aysan Puntland ka qeyb geli doonin.

“Shirkaas hore ayaanu uga baxnay, sababtuna waxay ahayd in laga leexday wixii Soomaali ku heshiisay – Dastuurka oo ugu horreeya. Illaa laga saxo arrintaas, Puntland kama qeyb geli doonto shir aan sal u ahayn heshiis qaran oo dhab ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay mar kasta u taagan tahay ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida Soomaaliya, balse aysan aqbaleyn wax kasta oo ka hor imaanaya heshiisyadii hore iyo qodobbada Dastuuriga ah.