Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni oo ka hadlay TV-ga Qaranka dalkaas waxa uu bixiyey amarkaasi, si looga hortago Faafista COVID 19.
Amarkaasi oo maanta dhaqan-geli doono waxa uu socon doonaa muddo 42-maalmood ah.
Madaxweyne Museveni waxa kale oo uu mamnuucay Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala goosha Degmooyinka laga bilaabo bishan June 10-da, si loogu oggolaado Ardayda injay dib ugu laabtaan Guryahooda.
Museveni waxa uu tilmaamay in Caasimadda Kampala noqotay Degmooyinka uu sida xun u saameeyey COVID 19, iyadoo celcelis ahaa maalintiiba la diiwaan geliyo 500 oo Coronavirus.
Dhinaca kale, Khudbadda Madaxweyne Museveni waxa uu jeediyey saacado kadib, markii Warbixin ay Wasaaradda Caafimaadka soo saartay lagu muuiyey in Uganda laga diiwaan-geliyey 1,259 Kiisas cusub oo Coronavirus ah iyo dhimashada in ka badan 9 qof.
Xayiraadda uu Madaxweyne Museveni soo rogay waxa saamayn doontaa Dugsiyada, Masaajida, Kaniisadaha, Wershadaha, Dhismayaasha Ganacsiga, Xafladaha, Suuqyada Xoolaha lagu iibiyo iyo goobaha kale ee ay Bulshada isugu yimaadaan.



