Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay Xiisada ka Taagan gobolka Saaxil

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan  Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil.

Madaxweyne Biixi ayaa soo hadal qaaday jabhadda hubeysan ee looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, taas oo dhaq-dhaqaaqyo ka billowday halkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ayaan waxba ka soo qaadin saameynta jabhaddaas oo shalay dagaal la gashay ciidanka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in aaney aheyn sida loo buun buuninayo.

Sidoo kale wuxuu arrintan ku macneeyay xifaaltan siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka la galayo, sida uu hadalka u yiri

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray inay ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaakooxaaha  isku uruursaneysa buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil.

War ka soo baxay Madaxweynaha Soomalailand  ayaa ku soo Aadaya xiili  kooxaha hubeysan ee isku aruursanaaya Buurta Gacan Libaax ay afduub u geysteen  illaa siddeed qof  seddexa kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, laguna sii daayay waaan waaan lal galay jabhadaas

Ha yeeshee’ Somaliland ayaa wajaheysa Xiisado colaadeed , sida dagaalka Laascaanood iyo muran ka dhashay doorashooyinka ka dhacaya  degaanada maamulkaasi.