Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka bilowday degaanada Galmudug

Degaannada Galmudug ayaa waxaa ka bilowday Abaabul iyo diyaar garow la ciriira wejiga labaad dagaalka ka dhan ah Alsabaab

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud aayaa waxaa lagu so bandhigay Ciidamo beeleedyo loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan wejigaa kbaad ee dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo la sheegay in ay gaarayaan 3,000 oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka Wajiga labaad ee Alshabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin ayaa meel Fageere ah kula  hadlayay Dhalinyrada loo diyaariyay ka qayb qaadashada dagaalka ka dhan Alshabaab’,  waxaana mas’uuliyiintan  ka mid ah taliyaha  Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Guriceel ee gobolka Galagduud Cismaan Cali Hudeey iyo  xubno  kale.

Degaanada Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka bilaaban doona Wejiga labaad dagaalka ka dhan ah Alshabaab , iyadoo mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay ugu baaqeen shacabka in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhan ah Alshabaab.