Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax aan laga aamusi karin ku tilmaamay xaalada ka taagan magaalada Qasa ee Cariga Falastiin, taas oo u dhaxeeysa Shacabka falastiiniyinta iyo Ciidamada Tahuuda.
Biixi oo ka hadlayay xuska sannadguurada 30aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa Dowladaha Reer Galbeedka ku dhaleeceeyay isgarabtaaga ay u muujiyeen danbiyada ay Israa’iil galayso.
Wuxuu sheegay in nasiib darro tahay in dowladihii waaweyn aa ee carabta ay ka aamusaan xasuuqa lagu haayo Shacabka Falastiiniyiinta, halka dowladaha qaar ee aan Islaamka aheyn ay ka hadlayaan xasuuqa.
Waxa uu sheegay in xalay oo kali ah la duqeeyay 3 isbitaal oo uu ku jiro mid Qaramada Midoobay leedahay, isla markaana ay 200 oo qof ku nafwaayeen, iyada oo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maraykanku uu ku suganyahay Israa’iil.
Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu si kulul uga hadlay xasuuqa lagu haayo Shacabka Reer Falastiin, isaga oo garab istaag u muujiyay Ururka Xamaas ee la dagaalamaya Ciidamada Yahuuda.



