Ciidamo la kala dhex-dhigay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen laba Maleeyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaana ay soo saareen saraakiisha ciidamadu awaamir  amniga lagu adkeynayo.

Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka o ah kuwoo soo laab laabtay.

Deegaanka Xananbuure  ayaa waxaa Ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas.

Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu saameeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo lagu dilay laba Rag Ganacsato iyo Cullimo ahaa, kuwaas oo kasoo jeeday Magaalada Cadaado ee isla Gobolka Galgaduud.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ay ka billaawdaan kulamo lagu dhex dhexaadinayo labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, waxaana la filayaa inay gaaraan mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.