Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeyso ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee SoomaaliyaTiina Intelmann.
Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.
Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda , ahna ku simaha wasiirka, Cabdinaasir Cumar Jaamac.



