DFS & QM oo ka wada hadlay weeraradii Al-Shabaab ka geysteen Xadka Itoobiya

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh  Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaadatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu ugu hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al Shabaab ka geeysteen  qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka Itoobiya  ee u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay soo hadal qaadeen  sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay siineeyso  Qaramada midoobay ee Golaha Shacabka iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiye Madoobe.

Ugu dambeyn  Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay  ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.