Madaxweynaha Puntland oo Guddi Magacaabay ( Wareegto)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska loo samaynaayo Alle naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta  Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad )

Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah.

1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)

  1. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
  2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
  3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
  4. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin).