Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay cutubkii u horeeyay ee Booliska Puntland gaar ahaan laanta taraafikadda oo tababar socday 5 bilood ku qaatay magaalada Muqdisho..
Taliye Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa sheegay ciidamadani door weyn ay ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo tayaynta Ciidamada Booliska iyo shaqada sugida amniga gaar ahaan hagida gadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay.
Wuxuu Taliyuhu u mahadceliyay Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qeyb weyn ku lahaa in muddo 5 bilood ay ay Ciidamadaas tababarka ku qaataan Magaalada muqdisho



