Madaxweynaha oo gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi  uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Duubabka Dhaqanka iyo xubno kale.

Warar madax banaan ayaa in ujeedka Madaxweynaha halkaasi u gaaray ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Garoonka Diyaaradaha iyo goobta uu ka socdo shirka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu ka tagi lahaa Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.