DHAGEYSO: Faah faahin Howlgallo laga sameeyay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Iyadoo dhowaan la fialyo in Soomaaliya ay ka dhacaan Doorashooyin gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka fariisinka u ah Maamul Goboleedyada Dalka ka jira oo ay ka mid tahay Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay warar dheeraad ah ka soo baxayaan Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaasi ayaa loogfa gol leeyahay ka hor Doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Magaalada kismaayo in la adkeeyo amniga guud ee Magaalada Kismaayo, si loo helo jawi nabdoon.

Afhayenka Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Xasan Axmed oo u waramaya Idaacadda Risaala ayaa faah faahin ka bixinaya Howlgalada laga smaeeyay Magaalada Kismaayo iyo ujeedka Howlgaladaasi.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka soconayay Howgallo lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo mararka qaar Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay Dagaalo kula galaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland Deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland.