Madaxweynaha Mareykanka oo ka falceliyay geerida hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii.

Madaxweyne Biden ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu ka mas’uul ahaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka.

Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu ku geeriyooday goobtii lagu hayey. Mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay arrintan.

Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay qaar ka mida masuuliyiinta maamusha xabsiyada Ruushka, oo u sheegay in gargaar caafimaad loo dalbaday balse ay badbaadin kari waayeen.

Navalny ayaa ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin.