Howlgal dhinaca cirk ah oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay 2 saldhig oo muhiim u ahaa Al-Shabaab.
Saldhigyada la duqeeyay ayaa kuyaalla Degmada Galcad gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel-Wadalaan oo duleedka ka ah Magaalada Galcar.
Jugta duqeymaha iyo Guuxa diyaaradaha waxaa laga maqlay degaano ka kala tirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeymaha.
Saraakiil katirsan Ciidamada Macawuusleyda ee lu sugan degmada Galcad ayaa sheegay in Goobaha la duqeeyay ay isku aruursanayeen Al-Shabaab si ay weeraro u geystaan.



