Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa ka hadlay natiijada aan wanaagsaneyn ee uu xisbigiisa kasoo hoyay doorashadii dowladaha hoose ee Arbacadii dalkaasi ka dhacday.
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa sheegay in natiijada doorashada ay muujineyso in dalkaasi uu gaaray biseyl dhanka dimuqraadiyadda ah.
Xisbigiisa African National Congress (ANC) ayaa waxaa looga adkaaday qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn sida caasimadda Pretoria iyo magaalada Port Elizabeth.
Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa ku guuleystay labadaasi magaalo.
Balse xisbiga ANC ayaa guul muhiim ah kasoo hoyay magaalada Johannesburg.