Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xaurnta gobolka Baay maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar.
Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha Shaati-guduud ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale, kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Shariif Xasan.
Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga Shabeelle, sidoo kalena kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan maamulka.
Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii labada dhinac ay ka wada hadleen Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf (Gacma).
“Magaalada Baydhabo waxaa shir ku wada qaatay wafdi uu hogaaminayo safiirka UK ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Shariif Xasan, waxaana looga hadlay sidii amniga loo adkeyn lahaa, arrimaha abaaraha iyo qodobo kale”. Ayuu yiri Nuuradiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle qeybta uu ka maro degaanada Koonfur Galbeed si uu u keydiyo biyaha.







