Madaxweynaha Jubbaland oo Fariin u diray Maamulada Galmudug iyo Puntland

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in Magaalada Gaalkacyo ay dib uga bilawdaan dagaalo macno darada ah isagoo Puntland iyo Galmudugba ku booriyay in ay ilaaliyaan heshiiskii Imaaradka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay Gaalkacyo u dirayaan wafdi dhex dhexaadin ah waxaana uu xusay in Shirkii Imaaraadka wajigiisa labaad uu 20 bishan Kismaayo ka furmayo.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland iyo Galmudug in ay dagaalka Joojiyaan ,islamarkaana ay nabada qaataan.