Maanta Gelinkii hore ayaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxa uu soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo Xubno Wasiiro ah ay soo dhaweeyeen.
Ujeedka uu Muqdisho u yimid Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in la dhameystirayo xalinta mad madowgii ka dhex jiray Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya
Caawa ayaa Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku sugan yahay Hoy laga dejiyey Magalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmayo Madax ka tirsan dowladda Fedeeraalka Soomaaliya.
Maalinta berito ah ayaa la filayaa inay kulan gaar ah wada qaataan Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
11-kii bishan Maarso ayaa magaalada Kismaayo waxaa safar ku gaaray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyada oo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre labaduba ay sheegeen in la dhameeyey khilaafkii jiray.



